Hormuud Telecom foundation oo shaqo abuuris u sameysay aar ka mid ah naafada ku nool Muqdisho
Hay’ada Hormuud Telrcom Foundation ayaa fulisay mashruucii labaad muddo 5- maalmood gudohood ah, kaasoo shaqo loogu abuurayo qaar kamid ah dadka naafada ah ee ku nool magaalada muqdisho.
Mashruucan ay fulisay Hay’ada Hormuud Telecom Foundation ayaa waxaa ka faa’iideystay 20 Qofood oo naafada garguurata ah.
Gudoomiyaha Hey’ada C/laahi Nuur Cusmaan oo ka hadlayay munaasabadda ayaa sheegay in mashruucani yahay kii labaad mudo 5 maalmood ah oo ay hay’adu jirto isagoo xusay in mashruucii ugu horeyay ay ka faa’iideysteen haween danyar oo sidaan oo kale Hay’addu shaqo ugu abuurtay.
Mr. Nuur ayaa dhanka kale xusay in Hay’addoodu ay dhawaan hirgelin doonto Isbitaal cusub (Dialysis Canter) oo kilyaha loogu sifeyn doono dadka ay kilyuhu fariisteen.
“dadka kelyuhu fadhiisteen waxaa u keenay qalab lagu sifeeyo si lacag la’aan ayaana ugu adeegi doona madaama Hormuud Telecom Foundation u taagan tahay inay wax ka qabato hadba baahiyaha bulshada wixii karaankeeda ah” ayuu yiri C/llaahi Nuur Cusmaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in qof kasta oo isticmaala isgaarsiinta Hormuud wuxuu qeyb ka yahay cawimaada dadka tabaaleysan.
Munaasabadan shaqooyinka loogu abuurayay Dadka naafada ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay Marti sharaf badan oo kakala socday Ururrada Bulshada Rayidka, Isbitaalada qaar iyo Hay’adaha Gargaarka, waxaana dhammaan dadkii ka hadlay munaasabadda ay u mahad celiyeen hey’adda Hormuud Telecom Foundation & Shirkadda Hormuud Telecom oo dhinaca dhaqaalaha ka saacideysa hey’addan.
Waa mashruucii labaad oo ay hay’addu fuliso muddo 5 maalin guduhood ah tan iyo markii la’aasaay 25-kii Bishan May.