Jowhar.com - Somali news Leader
June 19 2013 08:55:00
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Shirkii TICAD V oo la soo gaba gabeeyay iyo Madaxweynaha oo la kulmay Madaxda FAO iyo UNEP+Sawirro
Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta u mahadceliyey Ra'iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe iyadoo maanta shirkii TICAD V lagu soo gabogabeeyey Yokohama.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey Ra'iisul Wasaaraha Japan sida quruxda badan ee wafdiga madaxweynaha loogu soo dhoweeyey dalka Japan iyo sida uu doorka hoggaamineed u qaatay inuu garab istaago Somalia.

Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda FAO iyo UNEP. Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee FAO Dr Jose Grazvano Da Silva ayaa ka wada hadlay sidii FAO ay mashaariic horumarineed uga fulin laheyd Soomaaliya oo ay doorka dib u dhiska iyo horumarka dalka uga qeyb qaadan laheyd. Agaasimaha Guud ayaa sheegay in hay'ada FAO ay u soo guureyso Muqdisho isla markaana laba jibaareyso howlaha ay ka waday Somalia.

Sidoo kale kulankii uu madaxweynaha la yeeshay Agaasimaha Guud ee hay'ada UNEP ee QM u qaabilsan arrimaha deegaanka ayaa madaxweynahu waxuu ka codsady hay'addan inay shacabka Soomaaliyeed ka saacido xaalufinta dhirta iyo deegaanka, gaar ahaan dhuxusha la dhoofiyo oo uu madaxweynaha sheegay inay sharci darro tahay isla markaana ay wax u dhimeyso deegaanka dalka.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay isla maanta ka soo dhoofaan dalka Japan oo arrimihii ay u yimaadeen ku dhamaaday si guul ah.

- DHAMAAD -


















Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on June 03 2013
0 Comments · 1864 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
490,174 unique visits