Jowhar.com - Somali news Leader
June 19 2013 11:50:30
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Booliiska Nairobi oo Islii nin ku toogtey iyo cabsi ay ka qabaan Al shabaab
Booliiska magaalada Nairobi ayaa ku toogtay xaafada Islii nin loo maleynayo in uu ka dambeeyey qaraxyii dhawaantan ka dhacay islii oo ilaa iyo afar qof ay ku dhaawacmeen.

Laamaha amaanka Kenya ayaa sheegay in ninkan la toogtay uu ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxii Axadii ka dhacay Islii,iyadoona warbixino sirdoon oo booliiska ay heleen ay sheegaan in edeysanahaan la toogtay uu ahaa xubin firfircoon oo la dhacsan fikradaha Xarakada Al Shabaab.

Booliiska la dagaalanka Argigixisada Kenya ee loosoo gaabiyo (ATPU) ayaa qeexay in dhawaan ay heleen wararka laxiriira latuhunsanaan ladilay,uuna ku hubeysnaa Bistoolad,walibana damacsanaa in weeararo horleh uu ka gaysto Kenya.

“Waa ninkii bambaanada ku tuuray dadkii ku dhawacmay weeararkii Axada ka dhacay dalkeena gaar ahaan degmada Kaamakunji ee Nairobi”waxaa hadalkan saxaafadda usheegay taliyaha booliiska Nairobi Benson Kibui.

Dad goob-joogayaal ay oo ku sugnaa goobtii lagu dilayay latuhunsanaha ayaa sheegay in booliiska iyo eedeysanaha ay muddo kooban isu baacsadeen sida yaanyuurta iyo dooliga kahor dilkiisa, taas oo muujinaysa in iska caabin ay labaad dhinac dhex martay balse saxafadda looma sheegin.

Bariitaan ay sameeyeen ciidamada booliiska Nairobi ayaa waxay ku ogaadeen in gaari si xawli ah u socday laga soo tuuray qaraxii ka dhacay Xaafada Islii, gaar ahaan goobta lagu magacaabo Punwaani Axadii nadaba martay.

Warar kale oo kasoo baxaya sirdoonka Kenya ayaa muujinaya in qaraxayada Kenya inta badan loo adeegsado bambaanooyinka lagu farsameeyo dalka Ruushka.

Kenay ayaa waxay ku jirtaa heegan buuxa oo ku aadan in Al-Shabaab ay weeraro ka geystaan dalkeeda, xilli ay labada dhinac ay isu jeedinayaan hanjabaado is daba socda

W/Q: Maxamed Cisman cumar (Xabiib)
Nairobi,Kenya..


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

Hanad on June 11 2013
0 Comments · 2411 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
493,248 unique visits