Ilaa 93-kun oo ruux ayaa ku dhintay dagaalada ka socda Suuriya
Qaramada Midoobay ayaa maanta ku dhawaaqday in ilaa 93-kun oo ruux ay ku dhinteen rabshadaha ka socda dalka Suuriya.
Dadkan ayaa ku dhintay labadii sano ee u dambeeyay kacdoonkii ka curtay Suuriya, kaasoo markii dambe isu bedelay dagaalo culus oo u dhaxeeyay Mucaaradka ka soo horjeeda xukunka keli talisnimo ee Bashar Asad iyo xoogaga daacada u ah dowladda Suuriya.
Bishii November ee 2012 ayaa la diiwaan geliyay in 30 ruux ay ku dhinteen dagaalada Suuriya, sida ay shaacisay Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha.
Ku dhowaad 5-kun oo ruux ayaa bil walba ku dhimanayay dagaalka tan iyo bishii July ee sanadkii hore.
Laakiin waxaa jiri kara tiro kale oo la rumeysan yahay inay ku dhinteen dagaalada, kuwaasoo aan la soo warin.
Ku dhowaad 80% dadka dhintay ayaa u badan rag, sidoo kale 17,00 ayaa caruur da'dooda ka hooseysa 10-ka sano oo ku dhintay dagaalada Suuriya.
Dagaalka Suuriya ayaa weji cusub galay, iyadoo ay ku soo biireen Xoogaga Xisbullah oo ka bar bar dagaalamaya Ciidamada dowladda Suuriya oo dhowaan dib u qabsaday magaalooyin muhiim ah.