Ra'iisul Wasaaraha Turkiga oo digniintii u dambeysay u jeediyay dibad baxayaasha
Ra'iisul Wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa digiintii u dambeysay u jeediyay dadka banaan baxyada wada ee ka soo horjeeda dowladdiisa, iyadoo banaan baxyada ay sii galayaan labo todobaad.
Mr Erdogan ayaa sheegay in aanay u dulqaadan doonin banaan baxayaasha, isagoo cadeeyay in Booliska ay dhaman dadka qaska wada ka hortagi doonaan, kana saarayaan goobaha ay ku sugan yihiin.
Kooxaha u ololeynaya banaan baxayaasha ayaa sheegay in aanay joojin doonin banaan baxayaasha tan iyo inta dowladda ay ka fulin doonto dalabkooda.
Dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay cod u qaadi doonto su'aasha ka taagan dhismaha beer lagu nasto oo dowladda sheegtay inay ka dhisi doonto ganacsi, taasoo aheyd mida keentay rabshadaha ka socda Turkiga,
Isku dhacyo u dhaxeeyay Booliska iyo dibad baxayaasha ayaa labadii maalmood ka dhacayay Fagaaraha Taksim, waxaana booliska ay adeegsanayeen xoog si ay uga saaraan banaan baxayaasha fagaaraha ay soo buuxiyeen,
Shalay ayay aheyd markii Ra'iisul Wasaaraha Turkiga uu la kulmay gudi la soo xulay oo isugu jiray dad caan ah oo ay ku jireen Fanaaniin oo uu kala hadlay banaan baxa ka sii socda dalkaas.