Jowhar.com - Somali news Leader
June 20 2013 12:44:34
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Bandhig Farshaxan ay ka qeyb galeen Soomaali iyo Ajaaniib oo maanta Muqdisho lagu soo bandhigay (Sawirro)
Bandhig Farshaxameed kii u horeeyay noociisa ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen dad isugu jiray Soomaali iyo Ajaaniib.

Bandhigan ayaa soconaya muddo saddex maalmood, iyadoo dadka ka qeyb galay ay gelisay yididiilo weyn oo ku aadan habka loo soo bandhigay farshaxanka iyo muuqaalada uu xambaarsanaa.

Daah furka Bandhigan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Cilmi baarista iyo wada tashiga ayaa farshaxanka lagu soo bandhigay uu u ekaa sida kuwa caalamiga ee fagaarayaasha lagu soo bandhigo.

Farshaxanka kala duwan ee lagu soo bandhigay furitaanka bandhigga ayaa waxaa gacantooda ku sameeyay farshax-yaqaanno Soomaaliyeed, kuwaas oo aan dalka ka bixin muddooyinkii ay dagaalladu socdeen.

Dadkii ka qeyb galay bandhiga Farshaxanka ee xambaarsanaa muuqaalada ka turjumayay dalka ayaa waxaa ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko, isagoo bogaadiyay in farshaxankan inuu muujinayo soo laabashada rajadii dalka, isla markaana dadka soo xusuusinayay dhaqankii hore ee Soomaalida.

"Bandhiga waa mid muujinaya in Soomaaliya ay ka baxay xaaladihii ay horay ugu jirtay ayna u gudubtay xaalado cusub, waa bandhig muujinaya in dalku horay u socdo oo aan la joojin halkii shalay"” ayuu yiri dajire Maxamed Cali Ameerika oo Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya kana mid ahaa xubnihii lagu casuumay kulanka.

Sawirrada ayaa waxay qaarkood ahaayeen kuwo lagu dhajiyay darbiyada, halka kuwo kalena ay ahaayeen kuwo dhulka yaallay, waxaana bandhiggan la sheegay in maalmaha uu socodo ay dadku u soo daawasho-tegi karaan.

Muuqaallada sawir-gacmeedyada ayaa ahaa kuwo ka turjumayay xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo dihbaatooyinka haysta shacabka, waxaana mid ka mid ah sawirrada oo la sharraxay oo ahaa dheri karkaraya la sheegay in uu ka tarjumayo xalaadda dalka uu ku sugan yahay ayna hurinta balaayada ka qaybqaataan qaybaha bulshad oo dhan.

Muuqaalada farshaxanka ayaa ahaa kuwo ka turjumayay xaalada dalka iyo dhibaatooyinka shacabka heysta, waxaana mid ka mid ah sawirrada oo la sharraxay oo ahaa dheri karkaraya la sheegay in uu ka tarjumayo xalaadda dalka uu ku sugan yahay ayna hurinta balaayada ka qaybqaataan qaybaha bulshad oo dhan.

Sawir gacameedyada la soo bandhigay ayaa la mid ahaa kuwo caalamiga, waxaana ay u qalmeen muuqaalada caalamiga ee lagu iibiyo malaayiinta doolarka ee lagu daah furo bandhigyada caalamiga ee Farshaxanka.




















Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on June 13 2013
0 Comments · 4413 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
511,587 unique visits