Jowhar.com - Somali news Leader
June 19 2013 23:12:23
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii 3aad u safray magaalada London
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqashadii 3aad ku tagaya magaalada London ee Caasimada Britain, halkaasoo uu kaga qeyb galayo Shirka G8 ee dalalka ku hormaray Warshadaha oo lagu casuumay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa galabta garoonka diyaaradaha aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka qaaday Diyaarad gaar ah, iyadoo ay ku sii sagootiyeen sida caadada ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Jawaari iyo Ra'iisul Wasaare Saacid.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda dalalka G8 ee shirka London ka dhacaya ka qeyb galaya, iyadoo si gaar la filayo in Madaxweynuhu u soo bandhigayo dalalka horumaray inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya, kana qeyb qaataan dib u dhiska.

Bishii la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha waxaa uu kaga qeyb galay London shirkii ay wada gudoomiyeen isaga iyo Ra'iisul Wasaaraha Britain David Cameron, kaasoo ahaa shirkii labaad.

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed lagu marti qaado qaado ka qeyb galka shirka wadamada ku horumaray warashadaha ee G8-ka.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on June 13 2013
0 Comments · 3108 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
504,152 unique visits