Munaasabado loogu dabaal degayo 18-ka May oo saaka ka bilowday magaalooyinka Somaliland
Dabaal dega sanad-guuradii 22-aad ee ka soo wareegatay markii Somaliland ku dhawaaqday inay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale ayaa saaka ka bilaabatay magaalooyinka Somaliland.
Kumanaan dadweyne ayaa saaka isugu soo baxay fagaarayaasha magaalooyinka Somaliland, iyagoo ku labisnaa dharka calanka, waxaana munaasabadan dabaal dega ee 18-ka May ay ka bedelan tahay kuwii hore.
Ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa ka qeyb qaadanaya dabaal degan, iyagoo gaada ka ciyaar ku soo bandhigaya, waxaa wehliya Ardayda Iskuulada oo si saf ah wadooyinka u maraya.
Dabaal degyada ayaa waxay ka socdaan magaalada Hargeysa iyo Burco oo aheyd halkii laga iclaamiyay in Somaliland ay noqoto dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.
Mas'uuliyiinta Somaliland ayaa la filayaa inay khudbado ka jeediyaan munaasabadahan ka socda magaalooyinka Somaliland.
Dabaal degan 18-ka May ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Somaliland xilligan siyaasadeeda arrimaha dibada ay mugdi gashay, isla markaana dhowaan diiday ka qeyb galka shirkii London, iyadoo wali aanay aqoonsi helin.