Jowhar.com - Somali news Leader
May 26 2013 06:32:46
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Contact Me
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00
Radio Banadir
Urur Goboleedka IGAD oo lagu eedeeyay in aanay dhex dhexaad arrinta Kismaayo
Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu eedeeyay in aanay dhex dhexaad ka aheyn xaaladaha ka jira Kismaayo, kadib markii shalay wafdi ka socday IGAD ay kula kulmeen Kismaayo Axmed Madoobe iyo maamulka uu hogaamiyo.

Wafdiga ka socda IGAD oo ahaa xaqiiq raadin ayaa u kuur galaya xaalada magaalada Kismaayo, waxaana warbixin ay horgeyn doonaan Madaxweynayaasha IGAD oo dhamaadka bishan ku shiraya Addis Ababa.

Nabadoon Xasan Macalin Gaabow oo ka mid ah nabadoonada Kismaayo ku sugan ayaa ku eedeeyay wafdigii shalay tagay Kismaayo ee IGAD ka socday inay ka sugayeen inay isu keenaan dhinacyada isku haya siyaasada, balse ay si gaar ah ula kulmeen Axmed Madoobe.

Inkastoo horay u jirtay in IGAD lug ku laheyd arrimaha maamul u sameynta, ayaa hadana waxaa warar soo baxayay sheegayeen in wafdigii IGAD ee maalmo ka hor ku sugnaa Muqdisho ayaa Madaxda dowladda ay isaga aragti duwanaadeen arrinta Kismaayo, iyagoo ka dalbanayay madaxda dowladda inay xaalada Kismaayo dejiyaan oo ay taageeraan.

Wafdiga uu hogaaminayay Xoghayaha guud ee IGAD Eng Maxbuub Macalin ayaa kula kulmay Kismaayo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha dhaqanka, waxaana ay ugu baaqeen inay ka qeyb qaataan inay xaalada wax ka dejiyaan.

Xaalada Kismaayo ayaa wali murugsan, iyadoo maalmihii la soo dhaafay looga dhawaaqay dhowr Madaxweynayaal oo qaarkood is magacaabay, kuwaasoo hal Maamul madaxweyne u wada ah.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

mahad on May 19 2013
0 Comments · 4111 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
159,455 unique visits