Jowhar.com - Somali news Leader
May 20 2013 10:30:09
  • Home
  • Articles
  • Downloads
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles
  • Downloads
  • FAQ
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Contact Me
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00
Radio Banadir
C/llaahi Sh. Xasan "Madaxweynaha wuxuu jebiyay qodobadii Ankara lagu heshiiyay"
Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada iyo Dimoqraadiyada C/llaahi Sheekh Xasan ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu jebiyay qodobo ka mid ah heshiiskii Ankara ay ku gaareen Soomaaliya iyo Somaliland.

C/llaahi Sheekh Xasan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dhaliilay kelmad shalay Madaxweynaha uga hadlay qadiyada Somaliland, taasoo uu sheegay in aanay aheyn wax xanaf gelinaya heshiiskaas uu ku hadlay.

"Shalay waxaa maqlneynay in Madaxweynaha ka hadlay arrinta Somaliland, runtii waxaa aad uga xunahay kalmada uu u isticmaalay qadiyada Somaliland, wuxuu jebiyay heshiiskii Ankara ee sagaalka qodob ahaa ee dhigayay in aan labada dhinac ka hadlin wax shaki gelinaya heshiiska"ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.

Siyaasiya C/llaahi Sheekh Xasan ayaa tilmaamay in Madaxweynuhu aanay aheyn in Somaliland dareen ku abuuro oo uu muujiyo inay wali cadiifad jirto.

"Kalmadaas waxaa qabaa inay wax badan qaribeyso in hadal cadiifad ah uu yiraahdo ama la dhaho qayaali ku nool yihiin, taas waay keeneysa inay heshiiskaas ay mugdi sii galeyso"ayuu yiri.

Mar uu ka hadlay sida Madaxweynaha uga hadlay arrinta Jubooyinka ayuu ku tilmaamay inay aheyd mid aan loo baahneyn, gaar ahaan erayga uu u adeegsaday ee ahaa looma dhamo waxa ka dhacay Kismaayo

"Looma dhamo waxaa yiraahdo Mucaaradka, ee Madaxweyno ma yiraahdo, go'aan Madaxweyne laga rabaa ma ahan inuu sidaas dhaho, waa inuu talana bixiyo amarna uu basho ma ahan inuu dhaho looma dhamo, teeda kale hadalkiisa wuxuu muujinayay in Kismaayo qabiil kale heysto"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada iyo Dimoqraadiga ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii shalay Mudanayaasha Baarlamaanka looga hor istaagay kulan ay ku lahaayeen mid ka mid ah Hotelada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay inay tahay fariin qaldan.

"Isku daygii Xildhibaanada looga celiyay inay ku shiraan mid ka mid ah Hotelada Muqdisho, waa fariin qaldan, hadii Xildhibaan la caburiyo dadka intiisa kale inte ku jiraan waa fariin shacabka loo dirayo oo ah in Meesha keli talis ka jiro"ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu ka hadlay gooni isu taaga Somaliland, isla markaana cadeeyay inay Midnimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan, taasoo loo arkay inay caqabad ku tahay heshiiskii dhowaan lagu gaaray Ankara.

www.jowhar.com

jowharcom@gmail.com
mahad on May 19 2013
0 Comments · 5152 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
72,494 unique visits