In ka badan 60-ruux oo lagu dilay qaraxyo is xig xiga oo ruxay Ciraaq
Qaraxyo loo adeegsaday gawaari dhowr ah ayaa ruxay koofurta iyo bartamaha dalka Ciraaq, iyadoo ay ku dhinteen ku dhowaad lixdan ruux halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen.
Magaalada Baghadad ayaa dhowr qaraxyo ay ka dhaceen, gaar ahaan goobo baska laga raaco iyo suuq ay u badan yihiin dadka shiicada ah
Ugu yaraan 15-ruux ayaa ku dhintay magaalada koofurta ku taal ee Basra, kadib markii labo baabuur oo qarax laga soo buuxiyay lala eegtay.
Weeraradan ayaa imaanaya, iyadoo xiisado siyaasadeed ay ka jiraan dalka Ciraaq, kaasoo ay isku hayaan hogaamiyeyaasha siyaasada ee halganka ugu jira awooda dalkaas.
Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq Nouri Al-Maliki ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay is bedel dhinaca ammaanka ah u qaadi doonaan, isagoo cadeeyay in aanay marna aqbali doonin rabshadaha ka dhacaya Ciraaq.
Sabtidii ayaa 10 askari oo lagu afduubtay gobolka Anbar la helay meydadkooda, waxaana xaalada ay tahay mid ka sii dareysa.