Jowhar.com - Somali news Leader
May 24 2013 23:11:20
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Contact Me
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00
Radio Banadir
Afhayeenka AMISOM oo sheegay in howl gal gur guri ay ka bilaabeen magaalada Muqdisho
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col, Cali Aadan Xumad oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Xalane ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsanaa ammaanka Muqdisho, isagoo ka hadlay howl galo ballaaran oo maanta Muqdisho laga sameeyay.

Col. Xumad ayaa sheegay in howl galada Muqdisho ka bilowday aysan socon doonaan ilaa ammaanka laga xaqiijiyo, isagoo ka dhawaajiyay in AMISOM marnaba ogolaan doonin in la qal qal geliyo ammaanka.

"AMISOM marnaba ma ogolaan doonto in qal qal la geliyo ammaanka, howsheena waa inaan ka hortagnaa qataraha ka imaan akro Shabaab"ayuu yiri Col. Cali Aadan Xumad.

Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab marka laga itaal roonaaday ay bilaabeen dagaal waji kale, ayna shacabka soo dhex galeen sida uu yiri

"Howl galada kuma ekaan doonaan gawaari la baari doono kaliya, guryaha iyo dadka socda ayaa la baarayaa, ciidamada Soomaaliya waxay la shaqeynayaan AMISOM Booliskeeda, albaab kasta iyagoo galaya oo baaraya"ayuu yiri.

Col, Cali Aadan ayaa sheegay in howl galkan uu yahay go'aan ay qaateen AMISOM iyo hey'adaha ammaanka dowladda, sidii kooxaha nabad diidka uga sifeyn lahayeen Muqdisho, isla markaana howl galka iminka bilowday.

"Howl galada maalin iyo habeen waa soconayaan, dad fara badan ayaa qabanay, waa la baarayaa"ayuu yiri Col. Cali Aadan Xumad oo intaa ku daray in howl galada maanta ay ciidamada ka sameeyeen xaafado badan.

Saakay ayaa Ciidamada dowladda, AMISOM waxay howl galo ku qaadeen Xaafadaha ku teedsan Jidka Warshadaha iyo Xaafadaha Xamar Jadiid, Labo Dhagax, Baar Ubax iyo Black Sea, halkaasoo boqolaal ruux lagu soo qab qabtay.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on May 21 2013
0 Comments · 1419 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
143,951 unique visits