Jowhar.com - Somali news Leader
June 18 2013 08:38:11
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Gabar Askariyad oo labo askari ku dishay magaalada Kismaayo
Gabar Askariyad ah oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa labo askari ku dishay magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose.

Dilkan oo ka dhacay mid ka mid ah xeryaha ciidamada ee ku yaala Kismaayo ayaa la ogeyn sababaha ka dambeeya.

Arrintan oo ah tii u horeeyay ee nooceeda oo gabar askariyad ah ay ku disho askar kale ayaa ah hadal heynta ugu badan ee ka jirtay Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in la xiray gabadhan askariyada ah, iyadoo saraakiisha ciidamada la sheegay inay haatan kulan leeyihiin, si ay xiisada u qaboojiyaan.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya inay sameyn doonaan baaritaan ku aadan sababaha dilka, iyadoo gabadhan haatan lagu haayo mid ka mid ah xeryaha ciidamada ku leeyihiin Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray qalalaaso siyaasadeed iyo is qab qabsi xaga maamulka, kadib markii dhowr Madaxweyne loo doortay Jubaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa askar u qorata haweenka, iyadoo ay ka mid yihiin Booliska, Nabadsugida iyo Milateriga, kuwaasoo lagu arko fagaaraha dagaalka iyo goobaha howl galada laga sameeyo.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on May 21 2013
0 Comments · 5303 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
476,584 unique visits