Jowhar.com - Somali news Leader
May 23 2013 01:38:53
  • Home
  • Articles
  • Downloads
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles
  • Downloads
  • FAQ
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Contact Me
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00
Radio Banadir
Maxamed C. Omar "Mucaawinada Somaliland Muqdisho ma soo mareyso, si toos ayay u heleysaa"
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar ayaa sheegay in Mucaawinada Somaliland ka hesho Caalamka aanay soo mari doonin dowladda Soomaaliya, kadib shir jaraa'id oo ay si wada jir ah ay Hargeysa ugu qabteen Wakiilka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Mr Cumar ayaa sheegay in Midowga Yurub uu u balan qaaday inuu taageero siiyo Somaliland, isla markaana si toos ah mucaawinada u soo gaarsiiyo dowladda Somaliland.

"Mucaawinada Somaliland si toos ah bey u heli doontaa, mana soo mareyso Muqdisho ama dowladda Soomaaliya"ayuu yiri

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in Midowga Yurub ku casuumay shir caalami ah oo ka dhici doona dalka Belgium.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay in Somaliland ay ka gacan siinayaan dhinaca dhaqaalaha.

Mid ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkii Ankara ee Somaliland iyo Soomaaliya uu dhigayay in mucaawinada ay hesho dowladda Soomaaliya inay wax ka siiyaan Somaliland.



Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on May 21 2013
0 Comments · 3211 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
117,251 unique visits