Jowhar.com - Somali news Leader
May 25 2013 17:27:28
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Contact Me
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00
Radio Banadir
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya mooshin ka dhan ah Xukuumada
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya mooshin ka dhan ah Xukuumada Soomaaliya, kaasoo dhowaan la horgeeyay Gudoonka Baarlamaanka, iyadoo Xildhibaanada ay si gaar ah uga doodi doonaan waxbqadka xukuumada mudadii ay jirtay.

Fadhiga baarlamaanka oo ah mid xasaasi ah ayaa ka duwan kulamadii hore, iyadoo goor sii horeysay mudanayaasha baarlamaanka fariimo qoraaleedyo loogu sheegay inay ka soo qeyb galaan kulanka baarlamaanka oo bilaabanaya 9-ka subaxnimo ee saakay.

Sida uu qabo xeer hoosaadka baarlamaanka mooshin la keeno ayaan cod loo qaadi doonin ka hor inta aysan Xildhibaanada baarlamaanka marka hore ka doodin, waxaana maanta ay ku siman tahay oo kaliya dooda mooshinkan.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa dood kulul dhex mari doonta, waxaana Xubnaha mooshinka soo diyariyay laga doonayaa inay faah faahiyaan mooshinkooda iyo eeda ay tabanayaan, halka mudanayaasha difaacayana la filayo inay ka jawaabaan.

Warar ku dhow dhow gudoonka baarlamaanka ayaa sheegaya in dooda mooshinka ay socon doonto maalmo, lagana yaabo in kama dambeys maalinta sabtida ay noqoto in Xukuumada codka kalsoonida loo qaado, maadaama laga keenay mooshin kalsooni kala noqasho ah.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay ahaa kuwo kala qeybsanaa, iyadoo qeybaha bulshada uu ka soo baxayay guux badan oo ku aadan diidmada mooshinka, waxaana shalay Muqdisho ka dhacay banaan bax looga soo horjeedo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on May 22 2013
0 Comments · 1098 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
153,362 unique visits