Col. Cali Aadan Xumad "Ciidamada Kenya ee Kismaayo kama amar weyna Taliska AMISOM"
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa mar kale ku celiyay in Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ay yihiin ciidan hoos-taga taliska AMISOM.
Col. Xumad ayaa sheegay in ciidamada Kenya amarkooda si toos ah uga yimaado magaalada Muqdisho oo ah halka looga arimiyo Howl galka midowga Afrika ee AMISOM.
"Ciidamada Kenya waxay hoos tagaan AMISOM, kamana amar weyna taliskooda, halkan Muqdisho ayaa amarkooda ka soo baxaa"ayuu yiri Col. Xumad oo su'aalo lagu weydiiyay shir jaraa'id oo shalay Muqdisho ku qabtay.
Waxaa uu sheegay in saraakiisha Kenyanka ee jooga Kismaayo aysan wixii doonaan amar la'aan aysan sameyn karin sida uu yiri.
Saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo iyo Taliska guud ee AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore isku heystay halka amarkooda ka soo baxayo.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka jiray magaalada Kismaayo hadal heyn ku aadaneyd in Ciidamada Kenya aysan dhex dhexaad ka aheyn arrimaha ka jiray Kismaayo, ayna la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya magaalada.