Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku guuleystay inay kala dhantaalaan Mudanayaashii baarlamaanka ee waday mooshinka ka dhanka ah Xukuumada, iyagoo u adeegsaday habab kala duwan oo u badnaa balanqaadyo.
Sida ay sheegayaan wararka Labada Xafiis ayaa kulamo la lahaa xildhibaanada beelaha, iyagoo ka dalbanayay inay ka laabtaan mooshinka ay wadeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in balanqaadyada ay isugu jireen xilal kala duwan oo isugu jira Wasiiro, safiiro iyo taliyeyaal ciidan.
Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka waday ayaa ku eedeeyay labada xafiis ee Madaxweynaha iyo kan Ra'iisul Wasaaraha inay kala jebiyeen baarlamaanka oo ay kala geeyeen Xildhibaanadii mooshinka waday.
"Waxaa jirtay in xildhibaanada beel beel loola shiray, oo xataa balanqaadyo loo sameynayay, waana lagu kala jebinayay, laakiin qaarkeen kama tanaasuleyno mooshinkan, waayo xukuumada lix bilood oo hada wax qaban weyday lixda kalena waa ka sii daran tahay"ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre.
Sidoo kale xildhibaankan ayaa sheegay in maalmo ka hor is hor-taag lagu sameeyay shir ay ku yeelan lahaayeen mid ka mid ah hotelada Muqdisho, isla markaana is hor-taaga uu ka dambeeyay xafiiska Madaxweynaha.
Si kastaba ha ahaatee mudanayaasha baarlamaanka ee horay mooshinka uga waday Xukuumada ayaa gaarayay in ka badan 120 xildhibaan, kuwaasoo u baahnaa markii hore saddex meelood labo meel, balse tiradaas ayaa aad looga soo yareeyay, kadib markii la kala fur furay, waxaana inta haatan ku hartay mooshinka ay gaarayaan ilaa kontameeyo oo marba marka ka dambeysay ka sii yaraanaya.