Jowhar.com - Somali news Leader
May 26 2013 11:35:09
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Contact Me
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00
Radio Banadir
Wasiirka Gaashaandhigga oo ka codsaday Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan wax ka barta inay ku soo biiraan Ciidamada
Munaasabad ay soo abaabuleen Midowga Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan oo lagu soo dhaweenayay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafiga uu horkacayay ayaa ka dhacday Magaalada Khartuum ee Xarunta Wadanka Suudaan.

Wasiirka Wasaarada Gashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo Maalmahan howlo shaqo u jooga Dalka Suudaan ayaa xalayto la kulmay Ardayda Soomaaliyeed , waxa uuna uga warbixiyay Imaanshiyahiisa Dalka Sudan.

Wasiirka ayaa Safarkiisa ku sheegay inuu Casuumaad Rasmi ah ka helay Dhiggiisa Wadanka Sudan Mudane C/raxiim Xuseen, islamrkaan uu lakulmay shaleyto Gelinkii dambe, iyagoo kawada hadlay Xiriirka labada wadan sidii loo xoojin lahaa gaar ahaan Labada Wasaaradood iyo in Tababar lasiiyo Milatariga soomaaliyeed si loo soo celiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Intaa kadib ayaa Wasiirka Gaashaandhigga ka codsaday Ardayda Jaamiciyiinta ah inay toos ugu soo biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si wax looga badalo Shaqada Ciidanka oo iminka isku dhex qasan.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in xiligan la joogo ay tahay waqtigii ay dhalinyarada Soomaaliyeed samata bixin lahaayeen Dalkooda hooyo, wuxuuna ku booriyey Ardayda Suudaan wax ka barta iney ka mid noqdaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay u difaacaan Dalkooda, Dadkooda iyo Diintooda.

Dhanka kale Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Faqi ayaa sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xassan Axmed Al Bashiir; kaasi oo ay kawada hadleen iskaashiga ka dhaxeeya Labada Dowladood iyo xiriirka saaxiibtinimo oo ay Dowladda sudan marwaliba lagarab taaagan tahay Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay In uu gaarsiiyay dhamabaal uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomalaiya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud isagoo uga Mahadceliyay sida ay dowlada Sudan u garab taagantahay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed iyagoo wada hadal dheer ka yeeshay xiriirka qotada dheer ee ka Dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Sudan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay dhidibada ugu aasi lahayd ciidan Soomaaliyeed oo leh Cudud muuqata, taasina ay ku imaankaro in la helo Aqoonyahano Jaamiciyiin ah oo Ciidanka kala nidaamiya.

C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab)
cmc_vip@hotmail.com
Khartuum - Sudan









Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on May 22 2013
0 Comments · 2150 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
162,538 unique visits