๐๐ค๐ก๐๐๐ ๐๐๐จ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ ๐ค๐ค ๐ก๐ ๐๐ค๐งg๐๐๐ฃ๐๐ฎ xalka ๐๐๐๐๐๐๐ฉ๐ค๐ค๐ฎ๐๐ฃ๐ ๐ ๐๐ฎ ๐ก๐ ๐ ๐ช๐ก๐ข๐๐๐ฃ Bajaajleyda
Mar. 23 (Jowhar.com)-Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Raโiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha Gaadiidka Bajaajta.
Guddiga oo sameeyey daraasad,baaritaanno iyo xogwareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan bajaajleydu.
Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo goluhu adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo xiligaan ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, si aysan argagixisadu fursad ugu helin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.