Monday, February 9, 2026
Home NEWS ๐’๐ฎ๐œ๐ฎ๐ฎ๐๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐Š๐š๐ฅ๐š ๐’๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐Œ๐ข๐ฅ๐š๐ญ๐š๐ซ๐ข

๐’๐ฎ๐œ๐ฎ๐ฎ๐๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐Š๐š๐ฅ๐š ๐’๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐Œ๐ข๐ฅ๐š๐ญ๐š๐ซ๐ข

33

Feb 09(Jowhar)-Magaaladaย  Riyaad, waxaa si rasmi ah loogu kala saxiixday Memorandum of Understanding (MoU) ama is-afgarad ku saabsan iskaashiga dhinaca gaashaandhiga oo ay yeeshaan Wasaaradaha Gaashaandhiga ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Heshiiskan ayaa ujeedadiisu tahay in kor loo qaado iskaashiga dhinaca milatariga, amniga, iyo tababarada si loo xoojiyo xasilloonida gobolka.

Muhiimadda Heshiiska

Heshiiskan ayaa yimid kaddib wadahadallo dhawr ah oo ay yeesheen madaxda amniga iyo difaacalabada dal, wuxuuna qayb ka yahay qorshaha ay Soomaaliya ku doonayso inay ku dhisato ciidamo xooggan, halka Sucuudiguna uu rabo inuu door firfircoon ka qaato amniga Badda Cas iyo Geeska Afrika. Iskaashigan ayaa la filayaa inuu albaabada u furo taageero farsamo iyo mid ciidan oo Sucuudigu siiyo qalabka difaaca ee Soomaaliya.

Inkasta oo aan labada dal faahfaahin rasmi ah ka bixin heshiiska oo lakala saxiixay inta ay socotay munaasabadda dabaal-dega iyo bandhiga ciidanka dalka Boqortooyada, hadana waxaa la filayaa in is-afgaradkani hordhac u yahay heshiisya dhawr ah oo dhawaan qallinka lagu duugi doono.

Soomaaliya ayaa jawaab ka sugaysa codsi rasmi ah oo ku saabsan taakulo ciidan iyo agab oo ay ka codsatay Boqortooyada oo ay ku jiraan diyaarado dagaal, kuwaas oo jawaabtooda la sugayo marka Madaxweynaha Soomaaliya uu la kulmo madaxda Boqortooyada Sucuudiga.

Sucuudiga ayaa diyaar u ah inuu Soomaaliya ka taageero agabka iyo tababarka ciidanka, waxaana dalkaas ku sugan wafdiyo ay kala hoggaaminayaan Wasiirada Gaashandhiga Axmed Fiqi iyo Amniga Cabdilaahi Fartaag. Waxyaalaha ay Soomaaliya ka filayso Sucuudiga waxaa safka hore kaga jira ku qalabaynta ciidanka cirka Soomaaliya diyaarado dagaal.