10 qof oo ku geeriyootay daad kusoo rogmaday Baardheere

10 qof oo ku geeriyootay daad kusoo rogmaday Baardheere

Mar. 21 (Jowhar.com)-Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya, in ugu yaraan sagaal qof ay dhinteen kadib markii uu la tagay daad ka soo rogmaday tog ku yaala degmada Baardheere, sida laga soo xigtay maamulka deegaanka.

Daadka soo rogmaday ayaa ka dhashay roobbab maahigaan ah oo xalay dhawr saacadood oo xiriir ah ka da’ayay magaalada Baardheere iyo nawaaxigeeda.

Sedex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay daaddadka magaalada ku soo rogmaday, iyadoo sedex qof oo kalena wali lagu la’yahay togga ay ku dhaceen.

Deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Gedo waxa xalay ka da’ay roobka guga, kaasoo dadka iyo duunyaduba ku diirsadeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More