Nov 26(Jowhar)-Hay’adda Xuquuqul Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa shaacisay in 121 qof oo si sharci-darro ah loogu hayay saldhigyo kala duwan oo boolis ah gudaha Gobolka Soomaalida la sii daayay, iyadoo sidoo kale laba suxufi oo xukuno ku fulayeen lagu fasaxay cafis dowladeed.
EHRC ayaa sheegtay inay xaqiijisay in dowlad deegaanka Soomaalidu bilaabayso tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu hagaajinayo nidaamka cadaaladda, laguna yareynayo haynta dadka muddo dheer iyada oo aan dacwad lagu soo oogin, isla markaana kor loogu qaadayo daryeelka iyo xuquuqda dadka xiran.
Si kastaba ha ahaatee, hay’addu waxay hoosta ka xariiqday in weli ay jiraan arrimo aan xal loo helin oo u baahan tallaabo degdeg ah. Arrimahan waxaa ka mid ah:
In la helo isla-xisaabtan ku saabsan xadgudubyada ka dhashay colaadaha deegaanka Dewa’aley ee xuduudka Fafan iyo Jarar.
In la daryeelo laguna soo celiyo caafimaadka iyo nolol-maalmeedka dadka colaadaha waxyeelladu ka soo gaartay.
In la hormariyo xuquuqda maxaabiista iyo helitaanka cadaaladda.
In si buuxda loo joojiyo haynta dheer ee dadka iyada oo aan dacwad lagu soo oogin.
Warbixintan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu wado in lagu horumariyo cadaaladda iyo ilaalinta xuquuqul-insaanka ee Gobolka Soomaalida.










