14 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Koonfur Afrika.

July 10 (Jowhar.com)- Inta la ogyahay Ugu yaraan 14 qof ayaa lagu soo warramayaa in lagu toogtay baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Soweto ee dalka Koonfur Afrika.

Sida wararka ay qorayaan warbaahinta gudaha ee dalkaasi lagu sheegay, Waxaa sidoo kale toogashadan ku dhaawacmay 10 qof oo kale.

Taliyaha booliska gobolka Gauteng, Elias Mawela, ayaa sheegay in ciidamada dambi baarista ay gaareen goobta uu weerarka ka dhacay oo ah deegaanka Nomzano Tavern oo dhaca duleedka Johannesburg.

Wuxuu intaa ku daray in tiro dad ah ay galeen baarka isla markaana ay bilaabeen inay toogtaan dadkii goobta ku caweynayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More