14 Shabaab ah oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Baay

Apr. 01 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaare culus oo Shabaab lagu gaarsiiyay weerar saaka ay ku qaaday deegaan ka tirsan gobolka Baay.

Wararka ayaa tilmaamaya in deegaanka Makuude oo qiyaasti 7 KM dhanka koonfurta ka xiga Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ay Shabaab hubeysan weerareen waxaa halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo mudo kudhow saacad socday.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan lagu dilay 14 ka tiraan kooxda Al-Shabaab, iyadoo meydadka Shabaabkaasi dowladda ay kusoo bandhigtay barta Telegram ee warbaahinta dowladda.

Dowladda waxa ay sheegtay iney leysay dhamaan kooxdii weerarka soo qaaday, iyagoo ka difaacay iney la wareegaan deegaanka oo qorshohooda ahaa iney qabsadaan.

Si kastaba, Weerarkan ayaa kusoo aaday iyadoo Alshabaab dhawaan weeraro khasaare badan geystay ku qaadeen deegaannada Ruunirgood iyo daaro Nicmo, halkaas oo ay ku dileen ciidamo badan oo isugu jiray kuwa Dowladda iyo kuwa mucaawisleyda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More