15 Askari oo ka tirsan ciidamadda Ruushka oo lagu dilay Dajestan

Jun 24(Jowhar.com)-In ka badan 15 askari oo boolis ah iyo dhowr qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay malleeshiyo hubeysan Axaddii shalay la beegsatay gobolka koofureed ee Jamhuuriyadda Dajestan ee dalka Ruushka.

Bayaan aroornimadi hore ee Isniinta maanta ah kasoo baxay guddoomiyaha Dajestan Sergei Melikov ayaa lagu sheegay, in kooxda weerarka qaadday ay rasaas ku furtay kaniisad ay leeyihiin masiixiyiinta madhabta Ortodokis-ka iyo macbad ay dadka yahuudda ah ku leeyihiin halkaasi, iyo sidoo kale bar koontarool oo ay leeyihiin ciidanka booliska.

Guddiga qaran ee la dagaallanka argagixsiada Ruushka ayaa weerarki Axaddi ku tilmaamay fal argagixiso. Gobolka Dajistan oo ka mid ah gobollada ay ku badanyihiin Muslimiinta Ruushka ayaa waxaa looga dhawaaqay saddex maalin oo baroor-diiq ah oo ka billaabmeysa maanta oo Isniin ah.

Weerarka ayaa ka dhacay caasimadda gobolka Dajestaan ee Makhachkala. Mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan ilaa iyo hadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More