Ergeyga Qatar Al Qahtani oo fariin qoraal ah u gudbiyay Farmaajo

Ergeyga gaarka ah ee Wasaarada Arrimaha Dibada dalka Qatar Mutlaq Al Qahtani ayaa fariin qoraal oo uu ka sidey Amirka Labaad ee Qatar Sheekh Tamim bin Xamad u gudbiyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynah muddo xileedkiisu uu dhamaaday.

Wakaaladda Wararka ee dowladda Qatar ayaa sheegtay in fariinta ay ku saabsanayd sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka, loona sii wadi kari lahaa.

“Waxaa intaa dheer, arrimaha siyaasadeed ee dhowaan ka soo kordhay Soomaaliya iyo muhiimada ay leedahay in lagu guuleysto dib u heshiisiin qaran si loo garto xasilinta dalka”.ayaa lagu yiri qoraalka ay daabacday Qatar News Agency.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in farinta gacanta laga saaray Farmaajo kadib markii ay kulmeen ergeyga gaarka ah ee Al Qahtani.

Hase yeesheee dowlada Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda si rasmi ah u shaacin inay kulmeen Farmaajo iyo Qahtani.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More