Farmaajo oo la kulmay Madaxweynaha Uganda Museveni

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkaas, isaga oo u rajeeyey horumar iyo barwaaqo shacabka iyo dawladda Uganda.

Farmaajo ayaa Uganda u tegay ka qeyb galka caleemo saarka madaxweynaha dalkaas oo dhawaan dib loo doortay markiisii lixaad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More