Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada oo guddoomiye kumeelgaar ah doortay

Guddiyada farsamada doorshooyinka ayaa dardar ku wada howlahooda iyadoo lagu wado in dhamaadka bishan dalka ay ka dhacdo doorashada xildhibaanada Aqalka Sare.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Heer Federaal ayaa waxaa ay kulankoodii ugu horeeyay ku doorteen Guddoomiye kumeel gaar ah iyagoo u doortay guddoomiye Cabdullaahi Abyan Nuur.

Xubnaha uu ka kooban yahay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Heer Federaal ayaa soo dhaweyey doorashada Guddoomiyaha iyadoo lagu wado in guddoomiye rasmi ah doorteen dhowaan.

Dhawaan ayaa Guddiga Farsamada ee doorashoyinka waxa ay isaga dhex doorteen guddoomiye kumeel gaar ah.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Heer Federaal ayaa Shaqadooda waxaa ay tahay xalinta hadii uu khilaaf ama isqabqabsi ka dhasho doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More