Ganacsato ka soo jeeda Qowmiyada Tigray oo lagu xirxirey magaalada Addis Ababa

Booliska Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ku xiray boqolaal qowmiyada Tigreega ah, tan iyo markii ciidamada dowlada federaalka ay lumiyeen gacan ku haynta caasimada gobolka Tigree ee Mekelle 28-kii bishii June.

Warkan oo laga soo xigtey qaar kamid ah dadka la xirey oo la sii daayay ayaa ururada u dooda xuquuqda iyo qareenada ay ku tilmaameen inuu yahay mid lagu hayo guud ahaan dalka laguna bartilmaameedsanayo qowmiyada Tigray tan iyo bishii Nofembar, markii uu dagaalku ka dhex qarxay militariga iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega.

Maamulka magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inay dhawaan xireen dhowr meheradood oo ay leeyihiin qoomiyada Tigreega kadib markii lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxda TPLF, oo ay dowladu u aqoonsatay urur argagixiso bishii May ururkaas oo xukumayay siyaasada Itoobiya muddo soddon sano.

Afhayeenka booliska Adis ababa Fasika Fanta ayaa sheegay inuusan wax war ah ka hayn xariga iyo meheradaha la xiray.

Balse, Afhayeenka Booliska federaalka Jeylani Cabdi ayaa yiri: “Dadka waxaa laga yaabaa in lagu tuhmo dambi oo la xiro, laakiin cidna looma bartilmaamaysan qowmiyad darteed.”

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa horay u sheegay inaysan jirin siyaasad dawladeed oo lagu bartilmaameedsanayo saraakiisha Tigreega. Wuxuu sheegay inuusan meesha ka saari karin in shakhsiyaad aan waxba galabsan laga yaabo inay la xiro.

Tesfalem Berhe, oo ah garyaqaan u dhashay qoomiyada Tigreega kana tirsan xisbi mucaaradka Tigreega ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters inuu ogyahay ugu yaraan 104 qof oo udhashay qoomiyada Tigreega oo labadii todobaad ee lasoo dhaafay lagu xiray magaalada Adis ababa iyo shan kale oo laga qabtay bariga magaalada diridhaba.

Qareenkan ayaa sheegay in inta badan dadka la xiray ay ahaayeen milkiileyaasha hoteelada, baayacmushtari, shaqaalaha gargaarka,dukaanleyda ama waardiyeyaasha.

Xiritaanka ayaa sii xoogeystay, ayuu yiri, kadib markii militariga ay ka baxeen caasimada Tigray ee Mekelle, ayna ku dhawaaqeen xabad joojin hal dhinac ah kadib ku dhawaad ​​sideed bilood oo dagaal ah.

Afhayeen u hadlay guddiga xuquuqul insaanka ayaa xaqiijiyay inay heleen warbixino ku saabsan xarig oo ay kormeerayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More