Golaha Wadatashiga oo kulamo la yeeshay guddiga Qoondada Haweenka iyo Guddiyada Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ay wehliyaan madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa kulan la yeeshay Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee goleyaasha BFS, iyagoo u xaqiijiyay in ay Golaha Wadatashiga Qaranka ka go’an tahay xaqiijinta matalaadda haweenka ee BFS.

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray sida loo xaqiijin lahaa qoondada haweenka ee doorashada soo socota.

Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed oo ay ka wada hadleen dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo hirgelinta habraacyadii uu shalay soo saaray Golaha Wadatashiga Qaranku.

Kulankan ayaa waxaa la iskula soo qaaday habraaca shalay ay soo saareen golaha wadatashiga qaran kadib muddo labo maalmood ah oo ay ku yeesheen Golaha Wadatashiga magaalada Muqdisho.

Inkastoo ay wadahadaladan Golaha Wadatashiga la yeesheen guddiga doorashooyinka ayaa hase ahaatee waxaa ka biyo diiday habraaca doorashooyinka oo shalay ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More