Saaxiibada Beesha Caalamka oo Walaac ka muujisay qaabka loo maareeyay doorashadii Aqalka Sare

Warsaxaafadeed ay soo saareen Beesha Caalamka ayaa loogaga hadlay arrimaha doorashada dalka iyadoo Beesha Caalamka markii ugu horeysay soo jeedisay walaac ku aadan qaabkii loo maareeyay doorashadii Aqalka Sare oo qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada dalka dhawaan lagu qabtay.

Ugu horeyntii war saxaafadeedka ayaa lagu soo dhaweeyay shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee 21 iyo 22 Agoosto, waxayna bogaadiyeen wadatashigooda joogtada ah si horey loogu wado hanaanka doorashada.

Beesha Caalamka waxa ay War Saxaafadeedka ay soo saareen ugaga hadleen doorashadii Aqalka Sare.

“Waxaan aragnaa in la dhammeystiray doorashada Aqalka Saree e Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo in hanaanka laga billaabay Jubaland iyo Galmudug. Waxaan sidoo kale garowsanahay walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka sare, waxaana Golaha Wadatashiga Qaran ku boorinaynaa inay arrimahan wax ka qabtaan si loo taageero hanaan doorasho oo daahfuran, waqtiyaysan, loo wada dhanyahay oo lagu kalsoonaan karo oo loo qabto Golaha Shacabka.”ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka.

Beesha Caalamka ayaa war saxaafadeedka ay soo saareen waxa ay ku baaqeen in la ilaaliyo qoondada haweenka.

“Iyagoo la xusuusanaya in boqolkiiba 24 ee kuraasta Aqalka Sare ay ilaa iyo hadda haween ku guuleysteen, waxaan ku baaqaynaa in dadaallada la laballaabo si loo gaaro qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba 30 ee kuraasta labada Aqa lee Baarlamaanka ay haweenku helaan.”

Sidoo kale War Saxaafadeedka ayaa lagu soo hadal qaaday arrimaha amniga ee doorashada dalka.

“Waxaan soo dhoweynaynaa dhismaha Guddiga Amniga Doorashada, waxaana ku baaqaynaa in dib loo billaabo kulamada guddiga si loo xaqiijiyo in qabanqaabada amniga laga diyaariyo dhammaan goobaha codbixinta ka hor doorashada Aqalka Hoose iyo in tixgeling la siiyo amniga ergada, musharaxiinta iyo xubnaha guddiga haweenka ah.”
Ugu dambeyntii War Saxaafadeedka ayaa loogu baaqay dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka inay ilaaliyaan hufnaanta doorashada.

“Saaxiibadu waxay Golaha Wadatashiga Qaran iyo saamilleyda kale la wadaagayaan inay rumeysanyihiin in hufnaanta hanaanka doorashadu ay muhim u tahay xasilloonida Soomaaliya, waxaan sidaa darteedy GWQ ku dhiirigelinaynaa inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka si loo xaqiijiyo in hanaanka doorashada lagu dhammeystiro si lagu kalsoonaan karo, daahfuran oo waqtigii loogu talagalay ku dhacda.Saaxiibada beesha caalamku waxay ku hanweynyihiin inay sii wadaan wada shaqaynta si loo hirgeliyo hanaan doorasho oo daahfuran oo waqtigiisi ku dhaca.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More