Wararkii u dambeeyay ee xaalka Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin

Wararka ka imanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in dhammaan rakaabkii la socday diyaarad ay lahayd shirkada Diyaaradaha Turkish Airlines uuna kamid ahaa Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin dib loogu celiyay dalka Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibout Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xaqiijiyay in dhammaan dadkii saarnaa diyaaradaas dib loogu celiyay dalka Jabuuti.

Kahor inta aysan ka duulin diyaarada magaalada Jabuti ayuu wasiirka arrimaha dibada dalka Jabuuti waxa uu ku soo qoray bartiisa Twitterka.

“Dhammaan rakaabkii saarnaa dayuuraddii Turkish Airways ee maanta ee Muqdisho u socotay ay ku noqon doonto Istambul si ay u raacaan duullimaad kale oo Muqdisho u socda.”

Wasiirka ayaa sheegay in wararka kale ee arrintan la xiriira ay yihiin kuwa been abuur ah oo lagu sameynayo jahwareer, islamarkaana Jabuuti lugaha loogu gelinayo xasaradda iyo khilaafka gudaha Soomaaliya.

“Waxaan garab taagnaan doonaan walaalaheen Soomaaliya, hase yeeshee marnaba ma faro-gelin doono arrimahooda gudaha,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

Afhayeenka Madaxweyne Farmaajo ayaa saaka qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in dowlada Jabuuti ay xireen Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More