Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka

HALKAN HOOSE KA DAAWO MADAXWEYNIHII HORE EE DALKA OO KA HADLAY XAALADA DALKA

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaalada dalka Soomaaliya isagoo si gaar ah ugaga hadlay arrimaha waxqabadka ra’iisul wasaare Rooble, doorashooyinka, amniga iyo Kiiska Ikraan Tahliil.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaalada dalka uu soo maray gaar ahaan sanadkii la soo dhaafay isagoo xusay in madaxda dalka ay awoodi waayeen in ay ka shaqeeyaan in mudadii loo ikmaday ay dalka ku gaarsiyaan doorasho.

Hase yeeshee,Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaare Rooble qaabka uu u maareeyay xaalada dalka isagoo xusay in ra’iisul wasaare Rooble uu ku guuleystey arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii dalka uu doorasho u aadi lahaa waxana uu ugu baaqay shacabka inay garab istaagaan ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada in ay mas’uuliyadooda gutaan isla markaana aysan u hakin doorashada dalka khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Arrimaha ciidamada ayuu Xasan Sheekh sheegay in ciidamada qalabka sida ay saaran tahay mas’uuliyad xilliga kala guurka.

“Waa inaad iska hubisaan cidda idin amreysa iyo howlgalka la idiin dirayo iyo waxa uu yahay.”ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Taliyaasha ciidamada waa inay ka fogaadaan ku milanka siyaasada iyo in ciidanka loo adeegsado dhibaateynta muwaadiniin waxba galabsan.”ayuu siiraaciyay Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkisa ayuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxa uu si kooban uga hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble isagoo baaq u jeediyay Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday.

“Farmaajo waxaan leeyahay Ra’iisul Wasaare Rooble adigaa magacaabay sanad kahor,sidoo kale adigaa 1dii May ayaad noo sheegtay inaad ku wareejisay doorashadii iyo amnigii dalka Ra’iisul Wasaaraha Bilaa Calayk, hanoo sheegin waan kala noqday hadda.”ayuu yiri Farmaajo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ku sheegay in Farmaajo uusan raali ka ahayn in dalkan ay doorasho ka dhacdo.

“Shalay ayaa Ra’isul wasaarihii hore iyadoo laga hadlayo arrimaha doorashooyinka ceyrisay waxaana taas ay cadeyn u tahay inaadan qorshe kuugu jirin in dalkaan ay doorasho ka dhacdo.”
Sidoo kale waxa uu ka hadlay Xasan Sheekh Kiiska Ikraan Tahliil isagoo ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu u hiiliyo qoyska.

“Qoyska Ikraan maxkamad ayay dacwad geysen farmaajow cadaalada garab istaag qoyskaas dulimga tirsanaya u hiili waa wajib diini ah, waa waajib dasturi ah,damiirku ha ku danqado mudane.”ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More