Apr 05(Jowhar)-Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa soo saaray baaq deg-deg ah oo ay ugu yeerayaan hay’adaha samafalka inay si dhaqso ah u gaarsiiyaan gargaar bini’aadannimo deegaannadaas.
Waxay sheegeen in abaaro daba dheeraaday iyo colaado ay sababeen xaalad nololeed oo aad u adag, iyadoo dadka ay wajahaan cunto yari, biyo la’aan, iyo adeegyo caafimaad oo liita.
Baaqan ayaa si gaar ah u muujinaya in carruurta, haweenka iyo barakacayaasha ay yihiin kuwa ugu nugul, isla markaana loo baahan yahay gurmad deg-deg ah si loo badbaadiyo noloshooda.












