Maamulka Hirshabelle oo qorsheynaya qabashada Doorashada Golaha Shacabka

Maamulka Hirshabele ayaa qorsheynaya in dhawaan uu bilaabo qabashada doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo loo asteeyay inay doorashada ka dhacaan ayaa waxaa ka socda diyaargarow xoog leh oo loogu jiro sidii looga bilaabi lahaa doorashada Golaha Shacabka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in toddobaadka soo socda laga yaabo inay kadhacdo doorashada illaa saddex kursi oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka caasimada Hirshabelle ee magaalada Jowhar.

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay shaaciyaan habraaca qabashada doorashada Golaha Shacabka.

Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaahore u dhamaystirey doorashada Senatarada Aqalka Sare iyadoo lagu qiimeeyay inay ahayd tii ugu wanaagsanayd, marka la fiiriyo qaabka qabashada iyo tartamida iyadoo aan loo xirin kuraas tartamayaasha balse ay u dhacday si ka wanaagsan sida looga qabtay doorashada Aqalka Sare Maamulada kale ee dalka ka jira.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa illaa hadda laga qabtay magaalada Muqdisho iyadoo labo kursi oo ka mid ah kuraasta laga leeyahay gobolada waqooyi ee dalka lagu doortay caasimada dalka ee Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More