Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay wafdi ka socda Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay Safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika.

Safiiradan oo uu hoggaaminayay Ambassador Maxamed Omar Gad oo ah safiirka Masar u fadhiya Itoobiya ayaa waxa ay ka wada hadleen ra’iisul wasaaraha howlaha howlgalka Ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ee Somalia iyo mustaqbalkooda kadib 2021 iyo sidoo kale xoojinta Iskaashiga DFS iyo Midowga Afrika.

Wafdigan oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa waxa ay dalka ku joogi doonaan booqasho sadax cisho ah iyaga la kulmi doona Madaxda Sare ee Dowladda .

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More