Hay’ada Amnesty International oo ku eedeysay Jabhada TPLF Kufsi

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku eedeysay jabhada Tigreyga inay kula kaceen falal kufsi iyo jirdil isugu jira qaar ka mid ah haweenka ku nool gobolka Amxaarada.

Sida lagu sheegay baaritaan ay Arbacadii sii baahisay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda, 14 ka mid ah 16 haween ah oo laga wareystay magaalada Nefas Meewcha ayaa sheegay in kufsi wadareed loo geystay bishii Ogosto, xilligaasi oo ay weerar ku qaadeen kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF).
“Marqaatiyadii aan ka maqalnay kuwa badbaaday ayaa qeexaya falalka foosha xun ee ay geystaan ​​dagaalyahanada TPLF oo gaaraya dambiyo dagaal, iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada,” ayuu yiri xoghayaha guud ee Amnesty Agnes Callamard.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 15 ka mid ah 16 ka badbaaday kufsiga oo la wareystay ayaa tilmaameen in ay soo food saartay dhibaatooyin jireed iyo mid maskaxeed oo ka dhashay weerarrada, oo ay ku jiraan dhabar xanuun, socodka oo ku adag, welwel iyo niyad jab.
Gebeyanesh, oo 30 jir ah oo cuntada ku iibisa Nefas Meewcha, ayaa u sheegtay Amnesty International in marar badan la soo weeraray.
“Saddex ka mid ah ayaa i kufsaday xilli ay carruurtaydu ooynayeen. Wiilkayga weyn waa 10 jir kan kalena waa sagaal sano, way ooyi jireen markii [ dagaalyahannada TPLF] ay i kufsadeen,” ayay tiri.

Meskerem, oo 30 jir ah, kana tirsan qowmiyadda Semitic-ga ee Amxaarada ayaa u sheegtay Amnesty International in saddex ka mid ah dagaalyahannada TPLF.

“Waxay i aflagaadeynayeen, waxay igu yiraahdeen ‘Dameer Amxaaro, waad xoog badan tahay, waxaad qaadi kartaa wax intaas ka badan.’ Waxaan miyir beelay wax ka badan saacad,” ayay tiri.
Tirada dumarka la faraxumeeyay waxay u badan tahay inay aad uga badan tahay inta la sheegay, Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan xafiiska arrimaha haweenka, carruurta iyo dhalinyarada, 71 haween ah ayaa sheegay in ay kufsadeen dagaalyahannada TPLF intii lagu jiray muddada wareysiyada, halka wasaaradda caddaaladda ee federaalku ay tirada ku sheegtay 73.

Natiijadu waxay daba socotaa baaritaan ay Qaramada Midoobay ku samaysay xad-gudubyo lagu eedeeyay Itoobiya oo lagu ogaaday in dhammaan dhinacyadu ay geysteen xad-gudubyo waaweyn oo laga yaabo in ay noqdaan dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada iyo dembiyo dagaal.

Warbixin ay hore u soo saartay Amnesty International oo la sii daayay bishii Ogosto ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada u dagaalamaya dowladda federaalka ay kufsi baahsan u geysteen haween iyo gabdho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More