Madaxweynihii ugu dambeeyay ee caddaanka ahaa dalka Koofur Afrika oo geeriyooday

FW de Klerk, Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, ahaana qofkii ugu dambeeyay ee caddaanka ah ee hoggaanka dalkaas haya, ayaa ku geeriyooday da’da 85-sano.

Afhayeen u hadlay Koofur Afrika ayaa sheegay in sanadkan laga helay cudurka kansarka FW de Klerk. Wuxuu madax ka ahaa FW de Klerk Sebtembar 1989 ilaa May 1994.

Sannadkii 1990-kii ayuu ku dhawaaqay inuu sii daayay hoggaamiyihii ka soo horjeeday midab-takoorka Nelson Mandela, taasoo horseeday doorashooyin xisbiyo badan ah 1994-kii.

Mr de Klerk ayaa abaal marinta nabadda ee Nobel la wadaagay Mr Mandela, doorkii uu ku lahaa u gudubka dimuqraadiyadda ayaa had iyo jeer ahaa mid si weyn looga hadlay.

Madaxweynihii hore FW de Klerk ayaa si nabad ah ugu geeriyooday gurigiisa oo ku yaala Fresnaye magaalada Cape Town subaxnimadii hore ee saaka.

“Waxa uu ifka kaga tagay xaaskiisa Elita, caruurtiisa Jan iyo Susan iyo kuwo uu awoowe u ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay afhayeenka Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika.

Mr de Klerk waxa uu ku dhashay bishii March 1936 magaalada Johannesburg.
Waxa uu ku soo shaqeeyay qareenimo,waxana uu ka soo shaqeeyay xilal wasiirnimo ka hor intii aanu kala wareegin PW Botha oo ahaa madaxa xisbiga waddani bishii February 1989kii.

Sanadkii xigay waxa uu ku dhawaaqay in uu meesha ka saaray xayiraaddii saarnayd xisbiyada uu ka mid yahay Mr Mandela’s African National Congress (ANC).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More