Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo ka dhacay Kampala

Labo qarax ayaa ka dhacday bartamaha magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ka dhacay meel ku dhow baarlamaanka, iyadoo qaraxa kalena uu ka dhacay meel ku dhow xarunta booliska ee magaalada.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in dadku ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen qaraxyada. Wariye ka tirsan NTV Uganda ayaa sheegay in uu arkay qaybo hilib ah oo daadsan wadada.

Qaraxan ayaan si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysay balse maamulka Uganda ayaa ku eedeeyay qaraxyo hore oo dhacay inay ka dambeeyeen kooxo Islaamiyiin ah.

Emmanuel Ainebyona oo ah afhayeenka wasaaradda caafimaadka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ugu yaraan 24 qof la dhigay isbitaallada kuwaas oo ku dhaawacmay qaraxyada. Afar ka mid ah ayaa qaba dhaawacyo halis ah, ayuu yidhi

Ciidamada Uganda ayaa qeyb ka ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo dagaal kula jira ururka Al-Shabaab oo gacan saar la leh Al-Qaacida.

Bishii lasoo dhaafay, kooxda Daacish ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerar lagu qaaday baar ku yaalla Kampala oo lagu dilay gabar 20-jir ah oo ka mid ahayd dadka adeegayaasha ah.

Kulamadii baarlamaanka ayaa la joojiyay, waxaana mudanayaasha baarlamaanka lagula taliyay inaysan imaan xarunta kaddib qaraxii maanta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More