Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay degmanimada Guriceel

Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay qaraarka dhamaystirka habraaca degmonnimonee Guriceel oo ay hore ugu meel mariyeen gollaha Wasiirada shirkii lagu qabtay Guriceel bishi lasoo dhaafay.

Wasaradda arrimaha gudaha Galmudug ay maanta hor gaysay gollaha Baarlamaanka qaraarkan oo warbixintiisa lagu cadeeyay in guriceel ay buuxisay dhamaan shuruudihii looga baahnaa in ay yeelato degmo isku filnasho buuxda leh.

Kulan ay Maanta Magaalada Dhuusamareeb ku yeeshaan Baarlamaanka Galmudug oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa fadhiga soo xaadiray 68-mudane, kuwaas oo dhamaantood cod gacan taag ah ku meel mariyay qaraarkan oo guriceel ka dhigaya degmo leh dhamaan xuquuqaadka ay helayaan degmooyinka kale ee Galmudug.

Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilada Galmudug oo badi degaan doorashadoodu tahay degmada Guriceel ayaa soo dhaweeyay ansixinta degmannimo ee Guriceel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More