Qoor-qoor oo ku dhawaaqay in shan kursi lagu dooranayo dhawaan Galmudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku dhawaaqay in shan kursi ee ugu horeysay ee doorashada Golaha Shacabka maalmaha soo socda la qabanayo.

Kulan casho sharaf ah oo xalay lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa kaga dhawaaqay Madaxweyne Qoor-qoor qabashada kuraasta ugu horeysa ee doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee Galmudug.

“Galmudug Doorashada Golaha Shacabka wey galeysaa waxaa rajeynayaa inaan caddeeyo shanta kursi ee ugu horeysay waa calaameysan yihiin waa la soo deynayaa, guddiyada doorashada inay berri iclaamiyaan, illaa saddex berri gudahood waa soo baxeysaa”ayuu yiri Madaxweyne Qoor-qoor.

Ku dhawaaqista bilowga doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee Galmudug ayaa waxaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Afarta Dowlad Goboleed ee kale inay muddo 24 saac gudahood inay iyagana uga dhawaaqaan kuraastii u horreysay ee doorashada Golaha Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More