Saciid Deni “Waa in loo hoggaansamo amarka, Taliye kasta waan beddeleynaa haddii aanu wanaagsanayn”

 

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ka hadlay diidmada lagala hor-yimid xil ka qaadista uu Arbacadii ku sameeyay Agaasimaha ciidanka PSF Maxamed Cismaan Diyaano.

Mr. Deni oo ku adkeysanaya dhaqan gelida xil ka qaadistiisa ayaa si cad u sheegay iney qasab tahay in loo hogaansamo amarkiisa, isagoo ku goodiyay iney shaqada ka eryayaan taliye kasta oo sida uu hadalka u dhigay aan shaqa wanaagsan qaban.

“Sharciga ayaa ka weyn suluxa waa in loo hoggaansamo, Taliye kasta waan beddeleynaa haddii aanu wanaagsanayn” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Hadalka Saciid Deni ayaa ku soo beegmaya xili xaaladda ku gedaaman xil ka qaadista Agaasimihii PSF ay ka sii dareyso, waxaana maanta oo ugu danbeysay PSF ku biiray askar tiro badan oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland.

Ciidanka PSF ayaa dhawaan gudaha u galay Magaalada Boosaaso, waana ciidamo ka badan 3 Kun oo Askari, waxaana loo diyaariyey inay ka hor tagaan halista culus, gaar ahaan duulaanka Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Si kastaba, Dooda ugu weyn ee hadda taagan ma ahan xil ka qaadista ee waa xilliga ay kusoo aaday. Deni waxaa lagu eedeynayaa inuu rabo inuu boobo 16 kursi oo taalo Magaalada Boosaaso oo Golaha Shacabka ah, laakiin haddii uusan helin ciidaka PSF waxaa la isku raacsan yahay inuusan boobi karin kuraastaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More