Maxkamad markale xukuntay Maxaabiis ka baxsatay Xabsi ku yaal Kenya oo la soo qabtay

Maxkamad ku taal magaalada Nairobi ayaa xabsi 15 bilood ah midkiiba ku xukuntay saddex maxbuus oo dhawaan ka baxsatay xabsiga Kamiti oo dib loo soo qabtay.

Iyagoo ka soo hor muuqday Garsooraha Sare Diana Mochache ee Maxkamadaha Sharciga ee Kahawa, saddexda; Musharraf Abdalla Akhulunga alia Zarkarawi, Mohammed Ali Abikar inay ka baxsadeen xabsigii ay ku xirnaayeen.

Sidoo kale maxbuus magaciisa lagu sheegay Abdulmajid Yaasiin ayaa lagu soo oogay inuu gacan ka geystay baxsashada saddexda maxbuus ee kale ee Kamiti Maximum.

Maxkamadda ayaa sheegtay in saddexdan qof ay ku baxsadeen dalool god oo ku yaalla qolka nambarka lixaad kaasoo lagu farsameeyay biro iyo masaamiir.

Baxsashada maxaabiistan ee bartamihii bishan sii dhamaanaysa ayaa walaac weyn ka dhex abuurtay dowlada Kenya ammaanka xabsiyada waxaana shaqada laga eryey madaxii xabsiyada dalka Kenya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More