Faahfaahin ka soo baxaysa nin ugu diley xaaskiisa 25 dollar

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan dil xalay ka dhacay degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho kaasoo mindi lagu diley haweeney hooyo u ahayd illaa 12 carruur ah.
Ninka dilka geystey ayaa ka codsaday haweeneyda uu diley inay siiso 25 dollar si uu ugu sameysto mooto bajaaj uu ku shaqeysan jirey oo cillad soo gashay,balse haweeneyda ayaa ka dhaga adeygtey inay siiso lacagta.
Wararka waxa ay intaa ku darayaan in ninka dilka geystay baxsaday, kadib markii uu Mindi ku diley xaaskiisa.
Haweeneyda la diley ayaa lagu magacaabi jirey Qamar Cabdi Cumar, waxaana ay aheyd hooyo korineysay 12 caruur ah, waxaan soo kala dhex galay khilaaf hooyada dhashay carruurta iyo aabahood.
Aabaha haweeneyda dilka loo geysey ayaa ka codsaday dalbaday laamaha ammaanka inay cadaaladda horkeenaan eedeysanaha oo uu magaciisa ku sheegay Maxamed Shiime Muumin.
Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa howl-gala degmada Xamarjajab ayaa tegay goobta, waxaana bilaabeen raadinta eedeysanaha dilka geystey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More