Wasiirka Arrimaha Dibbada oo la kulmay safiirka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya u jooga Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan, iyaga oo ka wada hadlay adkaynta iskaashiga ka dhexeeya Labada Dal ee ddhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Safiirka ayaa la wadaagay Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali hambalyo iyo salaan ku aaddan xilkan qaran ee loo magacaabay oo uu uga siday dhiggiisa dowladda Itoobiya. Wasiirka iyo Danjiraha ayaa kulankooda waxaa kale oo ay kaga wada hadleen waajibaadka shaqo ee ciidamada AMISOM iyo iskaashiga labada dal ee arrimaha geeska iyo qaaraddaba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More