Shirka 6aad ee Horumarintaiyo Hal abuurka ganacsiga oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Waxaa magaalada muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka 6’aad ee Horumarinta iyo Hal abuurka ganacsiga oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Jaamacadaha Simad iyo Jamhuuriya.

Shirka waxaa kasoo qeybgalay, Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya,masuuliyiin iyo aqoonyahano ka socday labada Jaamacadood, Madaxda qaar kamid ah bankiyada dalka, Dhaqaalyahano, Xubno ka tirsan Jaamacadaha dalka, khubaro iyo masuuliyiin kale.

Sanadkan waxaa shirka diirada lagu saaray fursadaha iyo caqabadaha ganacsi ee xiliga COVID-19. Waxana mudadii uu kulanka socday la soo jeediyay khudbado, cilmibaadhisyo iyo dood dhamaantood la xadhiidhay mowduuca.

Rektorka Jaamacada Simad Ustaad Dahir Xassan Cabdi iyo Madxweynaha Jaamacada ciluumta sayniska iyoTiknoolojiyadda ee Jamhuuriya, Eng Maxamed Axmed Maxamed oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay martida iyo ka soo qeybgalayaasha kulanka

Maamulaha Bankiga Mybank Cabdirizaaq Maxamed Axmed oo ka mid ahaa masuuliyiintii khudbadaha kazoo jeediyay Goobta ayaa sharaxay fursadaha iyo caqabadaha ganacsiga yaryar ee xiliga COVID-19
Intii uu shirka socday waxaa sidoo kale la soo bandhigay ilaa 26 cilmibaarisyo oo laga sameeyay mowduuca.

Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo ka tirsan xildhibaanada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya islamarkaana goobjoog ka ahaa shirka ayaa ugudambayntii faahfaahiyay Muhiimada ay shirarka noocaan ah ugu fadhiyaan bulshada Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More