Nov 17(Jowhar)-Ugu yaraan 42 qof oo muwaadiniin u badan dumar iyo carruur, kana yimid magaalada Haydarabad ee dalka Hindiya, ayaa ku geeriyooday shil baabuur kaddib markii bas ay saarnaayeen uu ku dhacay gaadhi kale, sida ay xaqiijiyeen ilo ammaanka dalka Sucuudiga.
Baska oo ka soo ambabaxay magaalada barakeysan ee Makka si ay usoo Cumreystaan, ayaa ku sii jeeday Madiina, waxaana shilkaasi uu ka dhacay jidka isku xira labada magaalo ee ugu barakeysan dunida Muslimka.
Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta shilka, halkaas oo ay ka samatabixiyeen dhaawacyada, kuwaas oo qaarkood xaaladoodu ay aad u liidato. Baadhitaanno hordhac ah ayaa tilmaamaya in isku dhaca labada gaadhi uu sabab u noqday waxyeellada culus.
Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo sababaha keeni kara shilka.










