Dowlada oo sheegtay inay baarayso duqeymo loo geystay xarumo ay shirkadda Hormuud ku lahayd Koofurta Soomaaliya

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in dowlada federalka ay baaritaan ku sameyn doonto duqeynta loo geysanayo xarumaha shirkada isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay gobolada Jubboyinka iyo Gedo.

Ugu horeyn qoraalka ayaa lagu xusay in dawladda Soomaliyeed ka xuntahay falkasta oo wax lagu yeelayo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyadoo loogaga tacsiyadeeyay Shirkada Hormuud waxyeelada soo gaartay oo ah mid soo noqnoqotay.

“Dowlada Soomaaliya waxay baaris rasmi ah ku sameyneysaa dhacdooyinkaan soo noqnoqday ee lagu waxyeeleynayo shacabka Soomaaliyeed.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdqaadir Maxamed Nuur.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in dowladu ay xiriir rasmi ah la sameyn doonto ciidamada AMISOM iyo saaxibada kale ee dowlada ka caawiya howlgalada amniga.

Shirkada Hormuud ayaa xarumo ay ku lahayd gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa u duqeeyay diyaarado la rumeysan yahay in laga leeyahay dalka Kenya,hase yeeshee mar jirto cid tallaabo ka qaaday duqeyntan oo qasaare gaarsiisay xarumaha Hormuud.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhigga;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More