Taliyaha Ciidamada Lugta Gen Biixi oo gaaray Beledweyne

Taliyaha ciidamada lugta General Biixi iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa gaaray maanta magaalada Beledweyne.

General Biixi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay taliyaha guutada 27aad General Maxamed Axmed Tredishe iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Gen Biixi uu la kulmay General Abuukar Xuud oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabelle.

Gen Xuud ayaa la filayaa in goordhow uu la hadlo saxaafada kana ka hadlo isbedel ku yimid mowqifkiisa Maamulka  Hirshabelle.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More