52 qof oo ku dhintay dab qabsaday dhisme ku yaalla Koonfur Afrika

Aug 31 (Jowhar.com)- Ugu yaraan 52 qof ayaa dhintay kadib markii dab uu ka kacay dhisme ku yaal magaalada Johannesburg, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Koonfur Afrika. In ka badan 40 kale ayaa ku dhaawacmay.

Maamulka Johannesburg ayaa sheegay in aysan cadeyn waxa dhaliyay dabka ka kacay dhisme dabaq ah oo ku yaala bartamaha magaalada.

Afhayeen u hadlay kooxaha gurmadka deg dega ah, Robert Mulaudzi, ayaa BBC-da u sheegay in kooxaha dabdamiska ah ay ku guuleysteen inay soo saaraan qaar ka mid ah dadkii ku xayirnaa dhismaha.

Wararka ayaa sheegaya in dabku uu baab’iyay dhismaha intiisa badan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More